Friday, June 4, 2010

Ciidamada Alshabaab oo gubay gawaarida qafilan iyo Baabuur dagaal ay qabsadeen(Daawo Sawirada)









Xoogaga Alshabaab ayaa markii ugu horeysay gacanta ku dhigay baabuur dagaal ay leyihiin ciidamada Midoowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya iyagoona gubay beebaha Casriga ee ay leyihiin ciidamada Afrka ee dagaalka kula jira Alshabaab
Ciidamada Alshabaab oo soo bandhigay hubkii maanta ay ka qabsadeen iyo waliba iyogoo gacanta ku haayo Beebahii ay la hayeen ciidamada midoowga Afrika oo holcaayo taa oo muujineysa dagaalka in uu ahaa mid faraha leysula tagay oo siweyn leysku rafadiyey

Dagaalada oo xiligaan qaboobay ayaa laga cabsi qabaa in uu dib u qarxo madaama wali leys hor fadhiyo qola walibana ay u bisishahay dagaalka waxaana la dhihi karaa waa dagaalkii ugu horeeyey ee waqtiga intaa la eg qaato
Dirirtii maanta ayaa waxaa ku nafwaayey 40tameeyo halka dhaawacuna ay ka badnayeen 100 qof oo u badan rayid

No comments: