Friday, June 4, 2010
Ciidamada Alshabaab oo gubay gawaarida qafilan iyo Baabuur dagaal ay qabsadeen(Daawo Sawirada)
Xoogaga Alshabaab ayaa markii ugu horeysay gacanta ku dhigay baabuur dagaal ay leyihiin ciidamada Midoowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya iyagoona gubay beebaha Casriga ee ay leyihiin ciidamada Afrka ee dagaalka kula jira Alshabaab
Ciidamada Alshabaab oo soo bandhigay hubkii maanta ay ka qabsadeen iyo waliba iyogoo gacanta ku haayo Beebahii ay la hayeen ciidamada midoowga Afrika oo holcaayo taa oo muujineysa dagaalka in uu ahaa mid faraha leysula tagay oo siweyn leysku rafadiyey
Dagaalada oo xiligaan qaboobay ayaa laga cabsi qabaa in uu dib u qarxo madaama wali leys hor fadhiyo qola walibana ay u bisishahay dagaalka waxaana la dhihi karaa waa dagaalkii ugu horeeyey ee waqtiga intaa la eg qaato
Dirirtii maanta ayaa waxaa ku nafwaayey 40tameeyo halka dhaawacuna ay ka badnayeen 100 qof oo u badan rayid
Thursday, June 3, 2010
Wararkii ugu danbeeyay dagaal culus oo deegaanno ka tirsan Goballka Galgaduud ku dhaxmaray Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarakada Al-shabaab.
Khamiis, 3, Jun, 2010 (HN) Dagaalo inta la xasuusto ah kuwii ugu cuslaan ee soo mara Goballka Galgaduud ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhaxmaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada Dhuusa-mareeb Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Dagaallkii ugu adkaan oo socday mudo ka badan 8 sacadood oo xiriir ah ayaa labada dhinac waxaa uu ku dhaxmaray deegaannka lagu magacaabo Bulacle oo wax ka yar 30-km u jira degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud kadib markii Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca weeraro is daba joog ah ku qaadeen fariismo ay halkaa ku lahaayeen Ciidamada Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Dadka deegaanka oo ay Wariyayaashu la hadlleen ayaa sheegay in Ciidan aad u hubeysan oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca labo Jiho ka soo weerareen fariisimaha Xoogagga Al-shabaab, waxaana ay intaa ku dareen ay maqlayeen dhawaqa noocyada hub-ka ee dhanacyadu u adeegsanayeen dagaallka oo soo gaaray ilaa galab dhinacii shalay.
Yuusuf Ciise Kabo-kutukade oo ah Wakiilka Xarrakada Al-shabaab ee Goballka Galgaduud ayaa sheegay in dagaallkii shalay dhacay dhinacooda guulo ka soo hooyeen, isaga oo intaa ku sii darray in ay siweyn ugu
dhawaadeen degmada Dhuusa-mareeb oo hadda u jirta sida uu sheegay wax ka yar 5-km.
Laakiin Afhayeenka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/llaahi Abuu Yuusuf Al Qaadi ayaa sheegay in dagaallkii shalay uu ahaa mid ay iyagu qaadeen islamarkaana ay siweyn ugu jabiyeen kooxihii ay dagaallka la
galeen, waxaana uu intaa ku darray in hadda dib loogu celiyay Ciidamada Al-shabaab meelahii sida uu hadalka yiri ay markii hore ka soo duuleen gaar ahaan waxaa uu carabka ku dhuftay degmada Ceel-buur.
Abuu Yuusuf Al Qaadi waxaa sidoo kala ka hadllay khasaaraha ka dhashay dagaallkii shalay dhacay, waxaana uu sheegay in deegaannka Bulacle markii ay ka saareen Xoogagga Al-shabaab ku arkeen Meydka inka badan 25 ruux oo sida uu sheegay dhamaatood ka tirsan dhinacii ka soo horjeeda, laakiin ma'uusan sheegin khasaaraha dhinacooda ka soo gaaray dagaallkii shalay dhicay.
Marka laga soo tago sheegashada dhinacyada iska soo horjeeda wararka Madaxa banaan ee laga hellayo dadka ku dhaw dhaw deegaannada dagaalladu ka dhaceen waxaa ay sheegayaan in Xoogagga Ahlu Sunna
Waljameeca wax xoogaa hor mar ah ka sameeyeen dagaalladii ugu danbeeyay ee dhacay, waxaana wali jira xiisado dagaal iyo Abaabul ka dhax socda kooxaha iska soo horjeeda kuwaasoo laga yaabo in mar kale
saacadaha soo socda dagaallo culus ka dhax maraan.
Dadka ku dhintay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Goballka Galgaduud ayaa waxaa siweyn uga xumaaday una canbaareeyay Hay'addaha Xaquuqda Aadanaha, waxaana xusid mudan in Warbixin ay soo saartay Hay'adda Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman lagu sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Goballka Galgaduud ku dhinteen in ka badan 25 ruux halka 50-kalana ay ku dhaawacmeen.

Monday, May 31, 2010
Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaannka Jante-kuundisho ee Magaalada Beledweyne.
Isniin, 31, May, 2010 (HN) Waxaa saakay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xisbul Islaam uu si kadis ah uga bilaawday duleedka Magaalada Beledweyne gaar ahaan inta u dhaxeysa Tuulada Ceel-gaal iyo deegaannka Jante-kuundisho.
Dagaalka oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa saacado kooban kadib waxaa u suurta gashay Ciidamada Dowladda Soomaaliya in ay la wareegaan dhamaan fariisimihii ay horay u joogeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam gaar ahaan deegaannka Jante-kuudisho ee Magaalada Beledweyne.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Axmed C/dalla Inji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saakay Ciidamadoodu weerar ku soo qaadeen Magaalada Beledweyne waxaa uu intaa ku darray in hadda ay la wareegeen dhamaan goobihii fariisimaha u ahaa Ciidamada Ururka Xisbul Islaam islamarkaana saacadaha soo socda ay gudaha u gali doonaan Magaalada.
Laakiin Afhayeenka Xisbul Islaam Max'ed Weheliye Odawaa ayaa sheegay in wali dagaalku socdo isaga oo beeniyay in Ciidamada Dowladdu la wareegeen deegaanno markii hore ay ku sugnaayeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu sheegay in ilaa hadda Ciidamadoodu ku sugan yihiin goobihii saakay dagaallku ka bilaawday.
Balse wararka Madaxa banaan ee laga hellayo dadka barakacayaasha ah ee ku sugan duleedka Magaalada Beledweyne oo saakay dagaallku ka dul dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda oo ay weheliyaan kuwa Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca hadda ku sugan yihiin Jante-kuundisho, halka Ciiidamada Ururka Xisbul Islaam u dhaqaaqeen wadada Laamiga ah iyaga o fariisin ka sameystay deegaannka lagu magacaabo Xujuub.
Dagaalka saakay ka dhacay duleedka Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili daafaha magaalada ay Daadsan yihiin dadkii ka barakacay fatahaadii dhawaan uu Wabigu ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada, kuwasoo saakay la arkayay iyaga oo mar kale dib u soo barakacaya.
Wixii warar ah ee soo kordha Saacadaha soo socda kala soco halkan haddii uu Alle Idmo.
HN

Thursday, May 27, 2010
Tuesday, May 18, 2010
Sunday, May 9, 2010
GOORTII DHULKAYAGII LA QAYBSADAY
Adeer ! dhacdadaas dabadeed, maamulkii boqortooyada Cumaan muddo ayuu ku sugnaa xasillooni siyaasadeed. Sanadkii 1804-tii ayaa khilaafkii ku soo cusboonaaday. Sababtu waxay ahayd amiir la oran jiray Sayid Siciid ayaa wuxuu dilay walaalkiis oo suldaan ahaa. Dabadeed wuxuu isu caleema saaray taajkii saldanadda. Suldaankan cusubi wuxuu dhisay dowlad adag. Tirada ciidanka saldanadda ayaa xilligiisii waxay gaareen 6.500 oo nin. Waxaa kale oo uu dhisay 15 doonyood oo kuwa dagaalka ah.
Markaas buu wuxuu ku fekeray in uu maamulkiisa ku baahiyo dhulkii uu xiriirka ganacsi la lahaa. Sanadkii 1806-dii, suldaanku wuxuu la wareegay jasiiradda Sensibaar iyo magaalooyin ku yaal bariga Afrika, kuwaas oo ahaa degmooyinka Laamo, Kilwa iyo inta u dhexaysa. Waxyaabaha saaciday waxaa kamid ahaa iyada oo dadka reer Cumaan ay raad xoog badan ku lahaayeen degaanka bariga Afrika iyo jasiiradaha u dhow. Guud ahaan bad-waynta Hindiya ayaa xilligaas lagu magacaabi jiray Arabian Lake (balligii Carabta). Adeerow ogow in Cumaaniyiintu ay goor hore bilaabeen in ay xiriir ganacsi la yeeshaan dadyowga degaankeena. Waxaa jirta in bad-mareenada reer Cumaan ay goor hore ogaadeen adeegsiga dabaylaha dul mara badwaynta Hindiya ee lagu magacaabo Monsoon.
Doonyaha shiraaca leh ee xamuulka qaada ee u kala goosha Cumaan iyo bariga Afrika ayaa waxay badda ku maaxi jireen dabaylahaas. Ganacsiga saldanaddu waxaa uu ka iman jiray bariga Afrika, kaas oo ganacsatada reer Cumaan ay u gudbin jireen qaaradaha Aasiya iyo Yurub. Adeerow waxyaabaha ay ka ganacsan jireen waxaa ugu waynaa dadka nool Addoomada oo laga keeni jiray illaa iyo bartamaha qaaradda Afrika. Waxaa jiray dallaalay afrikaan ahaa oo la shaqayn jiray ganacsatada carbeed, kuwaas oo dadka ka keeni jiray dhulka gudaha ah ee qaaradda. Dallaalaydu, dadka qaarna waa ay soo iibin jireen qaar kalena waa ay soo qa! ! faalan jireen. Waxaa kale oo Carabtu ay ka ganacsan jireen xubnaha duur-joogta sida haraga Shabeelka, foolasha Maroodiga, miciyaha iyo ciddiyaha Libaaxa, baalasha Gorayada, geesaha Biciidka, qolfaha Diinka iyo Qubada iwl.
Xilliga dhaqdhaqaaqa noocaas ahi uu ka socday xeebaha Soomaaliya, waxaa gudaha dalka ka jiray geedi-hayaan saameyn ku yeeshay deegaankii dadkeenii xoolo-dhaqatada ahaa. Aqoonyahanada u kuur gala culuumta taariikhda, waxay hayaankan ku magacaabaan The Great Waves of Somali Expansion Hirarkii waawaynaa oo ay Soomaalidu ku Dhul Ballaarsanayeen. Adeerow inkasta oo hayaankan ay soomaalidu goor hore bilaabeen misana si muuqata ayuu u kordhay dabayaaqadii qarnigii 18-aad iyo nuskii hore ee qarnigii 19-aad. Waxaa xusid mudan in soomaalidu eeyan xilligaas lahayn maamul urursan oo ka dhexeeyay. Sidaa darteed ayuu hayaankan ka turjumayay masaalixdii kala duwanaa oo ay beelaheenii reer-guuraaga ahaa lahaayeen iyo cimilooyinkii kala duwanaa ee la soo dersay noloshoodii. Cimiladaha sababay in soomaalidu qaxaan waxay isugu jireen kuwan hoos ku xusan :
1. Colaado iyo ismaan-dhaaf ka aloosmay beelihii xoolo-dhaqatada ahayd, kuwaas oo sababay dagaalo lagu kala guuro. Waxaa kamid ahaa qixii Biyamaal iyo qaar kamid ah beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen.
2. Abaaro adag oo iska daba yimid, kuwaas oo dad iyo duunyoba ku le´deen. Waxaa kamid ah qixii qaar kamid ah beelaha Harti.
3. Kacdoon siyaasadeed oo ay ku fogeynayeen maamullo ku gabood falay beelihii la deriska ahaa. Sida kacdoonkii beelaha Bartire iyo kii Abgaal.
Adeer ! waxaad ogaataa in hayaankani uu wax wayn ka beddelay deegaan-siyaasadeedkii dadkeenii reer guuraaga ahaa. Wuxuu sababay isbeddel ah demographic changes, kaas oo ku yimid degaankii iyo tarankii bulshooyinkii ka qayb qaatay qaxan. Hayaankan ayaa sababay muuqaalka uu maanta leeyahay dhulka loo yaqaan Soomaaliya ee leynoo ogsoon yahay iyo dhulka inaga maqan oo ay dadkeenu degaan.
Beelaha Dir waxaa hayaankan uga qayb qaatay reerka Biyamaal oo sida sheekooyinka lagu hayo ka soo guuray gobollada waqooyi bartamihii qarnigii 18-aad. Waxaa la tilmaamaa in ay sababtu ahayd gar-colaadeed oo lagu heshiisiinayay iyaga iyo beesha Gadubiirsay oo uu dagaal xumi dhex maray. Gartaas oo ay galeen odeyaal u dhashay beelaha Isaaq iyo Ciise ayaa Biyamaalku waxay ka tirsadeen in laga eexday.
Markaas baa reerihii Biyamaal waxay guddoonsadeen talo uu xargihii reerku u dhamaa oo ahayd in ay degaanka isaga guuraan. Adeerow inkasta oo waddadii ay Biyamaalku soo raaceen aanan sheekooyinka lagu xusin, misana waxaa la hubaa in hayaankoodii ay ku soo fureen koonfurta webiga Shabeele, halkaas oo illaa maanta ay degan yihiin. Xilligaas waxaa ay degaanka ugu yimaadeen beesha Gelledi oo lahayd maamul siyaasadeed oo hanaqaad ahaa. Labada Beelood (Gelledi iyo Biyamaal) dagaalo badan ayaa dhex maray, kuwaas oo ay Biyamaalku ku dileen saddex suldaan oo Gelledi ahaa oo is dhalay (suldaa! ! n Maxamuud, suldaan Yuusuf iyo suldaan Axmad).
Socdaalkii Biyamaal intaas kuma hakan ee qaybo beesha kamid ah ayaa koonfur u sii kacay oo gobolka Jubada-Hoose ku hakaday. Qolyihii koonfurta aaday ayaa dhexdoodii colaadi ka aloosantay. Dabadeed jifi kamid ahayd baa waxay u tallaabeen bulshooyinka Baantuuga ah ee ku dhaqan gobolka waqooyi-bari iyo bariga dalka Keenya halkaas oo ay ku milmeen dadyowgii ay u tageen. Adeerow xus oo beelo kamid ah reeraha la yiraahdo Reendiille ee ku nool yuulada Mkunuumbi oo ka tirsan degmada Laamo waxaa la rumaysan yahay in ay yihiin dadyowgii kuushiitiga ahaa ee ku noolaa koonfurta Banaadir.
Sheeko-dhaqameedyada reeraha Biyamaal waxaa ku xusan in qayb kamid ah reeraha Reendiille ay yihiin dad iyaga ka tegey oo absaxankooda la garanayo. Dadkaasi waxay ku tageen dagaal ay jifiyadii Biyamaal isugu tageen. Magaca reerka tegey waa Kalafoow, absaxankooduna wuxuu gelayaa Sacad oo ah jifi Biyamaal kamid ah.
Dhaqdhaqaaqii ganacsatada reer Cumaan wuxuu raad ku yeeshay qaybo kamid ah gobollada Soomaaliya.
Saldanaddii beesha Gelledi ayaa xilligii ay is-beddelayeen labadii qarni, kii 18-aad iyo kii 19-aad, waxay yeelatay maamul hanaqaaday. Saldanaddaas oo xarunteedu ahayd degmada Afgooye ayaa waxay xiriir la lahayd maamulkii ka jiray magaalada Xamar. Xilligii suldaan Yuusuf oo qiyaastii ku beegan 1812-kii - 1845-kii ayaa saldanaddu xoogowday.
Waxaa ballaartay dhulka uu ku baahay ganacsigii saldanadda. Dekadda Xamar ayaa waxaa laga dhoofin jiray dalayga ka soo go´a beeraha reerka Gelledi iyo xubnaha dugaagga. Reerku waxay dekadda kala soo degi jireen waxyaabaha ay dibadda uga baahnaayeen oo dharku uu kamid ahaa. Waxaa kale oo ay soo dhoofsan jireen dadka addoomada ah, kuwaas oo beeraha ka shaqayn jiray. Adeerow waxaa xusan, sanadihii u dhexeeyay 1820-kii iyo 1840-kii, dekadaha Xamar iyo Marka in sanad walba lagala soo degi jiray dad gaaraya 10.000 oo addoomo ah.
Adeer ! wakhti ku dhow xilliga ay Biyamaalku hayaameen ayaa galbeedka Soomaaliya waxaa iyaguna ka soo kacay beelo kamid ah reeraha Kablalax (Ogaadeen). Beelahaas waxaa kamid ahaa , Maqaabil, Cawlyahan, jifiyo kamid ah reerka Maxamd Subayr iyo Caabud-waaq oo kamid ah jifiyada Talamuge. Geediga reerkan wuxuu soo maray gobolka Bay. Sida ay isku raaceen da´wayntii sheekooyinkan laga wariyay, muddo sanado ah ayay halkaas ku sugnaayeen.
Dabadeed waxay u soo tallaabeen degaanka Jilib, halkaas oo ay ka samaysteen saldhig ay ka sahan sadaan degaanka.
Waxaa jira sheekooyin tilmaamaya in beelaha soomaaliyeed ay si wadajir ah ula dirireen dadkii Baantuuga ahaa ee ku noolaa degaanka Juba, arrintaasi waxay xoojinaysaa aragtida oranaysa in beelaha soo hayaamay ay isugu yimaadeen degaanka Jilib oo markaas ahayd degaan Tunni.
Oday la yiraahdo Xasan Ribadle oo Ogaadeen ah, kana mid ah facihii dambe ee ka qayb qaatay hayaankii ay beeshu ku degtay dhulka Juba ayaa wuxuu tilmaamay sababta uu u qaxay in ay ahayd colaadaha reerka dhexdiisa ka socday. Xasna ayaa muddo laga joogo 150 sano wuxuu tiriyay tix gabay oo uu ku tilmaamayo sababta uu u qaxay, wuxuuna yiri :
Jiilaalkan ruuga ah waxaan Raari uga guuray
Oon ramashe doogoobay iyo roob la sugi waayay
Reer Caraale uun baan ka tegi ruun colowgiisa
Warankay ridahayaan ayuu ruuxda iga goyne
Ama towbaday iga raddiyi oo raq baan dhigiye
Bilowgii qarnigii 19-aad, Garaad Wiil-waal ayaa isaguna wuxuu ku guulaystay in uu ururiyo beelo kala duwan oo ku maamulo xeer-dhaqameedyo uu isagu dejiyay. Taasina waxaa ay ka dambaysay markii uu helay kalsoonidii beeshiisa (Bartire) oo ay caleemo saarteen, markaas oo adeerow uu u caddaalad falay.
Garaad Wiil-waal wuxuu ahaa nin geesinimo iyo af-tahannimo loo hibeeyay. Xeerarka uu ku dhaqmo wuxuu dadka ku bari jiray qaab suugaaneed. Tilmaamahaas uu Wiil-waal lahaa ayaa waxay kallifeen in degaankiisii ay ku soo qaxaan beelo dhowr ah oo ku qancay maamulkii uu dhisay. Waxaa kamid ahaa Abasguul, Geri iyo Ogaadeen. Wiil-waal wuxuu dhisay xulufo ciidameed iyo mid siyaasadeed oo ay ku bahoobeen beelahaas.
Adeerow kalsoonidii dhex martay Wiil-waal iyo odeyadii beelahaas ayaa waxay adkaysay maamulkii ay isku xulufaysteen. Tix uu Wiil-waal u tiriyay garaadkii beesha Geri oo la oran jiray Garaad Aadan, mar uu uga soo dacwooday beeshii oo ku gadoodday ayuu Wiil-waal ku tilmaamay xiriir! ! ka ka dhexeeya isaga iyo Garaad Aadan. Wiil-waal wuxuu yiri :
Haddaad dowladda waydo anna teydu weydowdey.
Haddii lowgu ku wiiqmo anna waan wakkinaayaa.
Haddaad weer isku jiiddo anna waan isku waabi.
Ciidamadii beelihii is-xulufaystay oo uu hor kacayo Wiil-waal ayaa waxay duulaan ku qaadeen ceelashii reerka Akishe (Dir), halkaas oo lagu dhibi jirey xoolaha ay lahaayeen beelaha aanu soo xusnay. Gulufyadii colaadeed ee uu Wiil-waal dumay waxay sabab u noqdeen in ay guud ahaan beelihii soomaaliyeed ay ku faafaan dhulka biyaha badan ee ku beegan agagaarka degmada Jigjiga, halkaas oo ay ka kacsadeen beelo Oromo ah.
Beelo kamid ah reerka Mareexaan ayaa iyaguna ku soo hayaamay degaanka Gedo, iyo koonfurta gobollada Baali iyo Siidaamo. Xilligaas, qiyaastii 50 sano ayuu ka dambeeyay markii uu bilowday hirarkii hayaanka. Waxaa jiray beelo Mareexaan ah oo safka hore kaga jiray qaxan, waxaana kamid ahaa Howraarsame, Habar-Yaaquub, reer Xasan iyo Talxe. Sheekooyinkii laga dhaxlay da´wayntii hore waxaa ku xusan in beelahaasi ay geel badan wateen. Beelahan waxay ka soo qaxeen meelo kamid ah bartamaha Soomaaliya, waxayna soo mareen gobollada Hiiraan iyo Bakool.
Sababta ay la qaxeen waxay ahayd colaado isugu jira kuwo ka aloosmay beesha gudaheeda iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo beelihii ay la deriska ahaayeen. Adeerow inkasta oo eeyan isku degaan ka soo kicin misana waxaa la malaynayaa in hayaankii beesha Dagoodiye uu dhinac socday kaa beelaha Mareexaan, sidaasna ay dagaaladii lagu kiciyay reerka Booran ay ka wada qayb qaateen. Dagaaladaasi waxay ahaayeen kuwo lagu hilboobay, waana kuwa sababay in s! ! oomaalidu degaan ku yeelato halkaas. Mar ay Boorantu fadhi ku lahaayeen buurta u wayn degaanka ee la yiraahdo Humbaale ayay soomaalidii u soo tiriyeen tix iyaga oo leh :
Humbaale Humbaale
Humbaale af-wayne
Shuun oday waaye
Haddaad ood ka goyso
Aabaa iga dhaartay.
Soomaalidii waa ay ka soo jawaabeen iyaga oo leh :
Humbaale Humbaale
Humbaale af-wayne
Shuun oday waaye
Haddaad oon ku guurin
Aabaa iga dhaartay.
Adeerow waxaa kale oo xusid mudan Shiikha la yiraahdo Ibraahim Xasan Yabarow oo dhalashadiisu ahayd Wanla-wayn, kaas dalka ku soo laabtay sanadkii ugu dambeeyay qarnigii 18-aad. Shiikh Yabarow oo ahaa nin ka tirsan dariiqada Axmadiyada ayaa bilowgii qarnigii 19-aad wuxuu aasaasay xarumihii xertii Baardheere ee magaceedu ahaa Jamaacada.
Sanadkii 1797-kii ayuu Shiikhu magaalada xurmaysan ee Maka wuxuu kula kulmey Shiikh Axmad Bin Idiriis oo ahaa ninkii aasaasey dariiqada lagu magacaabo Axmadiya. Adeer ! goor dambe ayuu shiikhu wuxuu noqday nin asal raac ah. Wuxuu hoggaamiye ka noqday dhaqdhaqaaq lagu nooleynayo saldhigyada diinta Islaamka. Shiikhu wuxuu qaatay aragti lamid ah tii uu Shiikh Maxamad Cabdi-Wahaab ku baaqay oo ahayd diin aanan barax lahayn dariiqona aanan ku xirreyn.
Shiikh Yabarow wuxuu dadka kala diriri jiray tubaakada, heesaha, cayaaraha iyo is-dhex galka ragga iyo dumarka.! ! Wuxuu ka reebi jiray macsida. Wuxuu dadka fari jiray in laga reebtoomo ganacsiga xubnaha duur-joogta. Dumarka wuxuu fari jiray in oogadooda ay asturaan. Guud ahaanna wuxuu dadka u sheegi jiray in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka, cibaadadana ay ku dadaalaan. Shiikhu wuxuu yeeshay xarun u saldhig ah oo uu dadka wax ku baro. Waxaa halkaas ka abuurmay dugsiyo lagu barto noocyada culuumta diinta Islaamka. Sanadkii 1819-kii, tirada ragga ardayda halkaas wax ku baranaysay waxay dhaafsiisnaayeen 100 nin. Sanadkii 1840-kii, tirada xertii Shiikhu waxay kor u dhaaftay 20.000 oo nin, kuwaas oo badankoodu ahaa qolyihii Daaroodka ahaa ee degaanka ku soo hayaamay.
Qore : Saadiq Enow

Subscribe to:
Posts (Atom)