Monday, May 31, 2010

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaannka Jante-kuundisho ee Magaalada Beledweyne.

Isniin, 31, May, 2010 (HN) Waxaa saakay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xisbul Islaam uu si kadis ah uga bilaawday duleedka Magaalada Beledweyne gaar ahaan inta u dhaxeysa Tuulada Ceel-gaal iyo deegaannka Jante-kuundisho.

Dagaalka oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa saacado kooban kadib waxaa u suurta gashay Ciidamada Dowladda Soomaaliya in ay la wareegaan dhamaan fariisimihii ay horay u joogeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam gaar ahaan deegaannka Jante-kuudisho ee Magaalada Beledweyne.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Axmed C/dalla Inji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saakay Ciidamadoodu weerar ku soo qaadeen Magaalada Beledweyne waxaa uu intaa ku darray in hadda ay la wareegeen dhamaan goobihii fariisimaha u ahaa Ciidamada Ururka Xisbul Islaam islamarkaana saacadaha soo socda ay gudaha u gali doonaan Magaalada.

Laakiin Afhayeenka Xisbul Islaam Max'ed Weheliye Odawaa ayaa sheegay in wali dagaalku socdo isaga oo beeniyay in Ciidamada Dowladdu la wareegeen deegaanno markii hore ay ku sugnaayeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu sheegay in ilaa hadda Ciidamadoodu ku sugan yihiin goobihii saakay dagaallku ka bilaawday.

Balse wararka Madaxa banaan ee laga hellayo dadka barakacayaasha ah ee ku sugan duleedka Magaalada Beledweyne oo saakay dagaallku ka dul dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda oo ay weheliyaan kuwa Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca hadda ku sugan yihiin Jante-kuundisho, halka Ciiidamada Ururka Xisbul Islaam u dhaqaaqeen wadada Laamiga ah iyaga o fariisin ka sameystay deegaannka lagu magacaabo Xujuub.

Dagaalka saakay ka dhacay duleedka Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili daafaha magaalada ay Daadsan yihiin dadkii ka barakacay fatahaadii dhawaan uu Wabigu ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada, kuwasoo saakay la arkayay iyaga oo mar kale dib u soo barakacaya.
Wixii warar ah ee soo kordha Saacadaha soo socda kala soco halkan haddii uu Alle Idmo.


HN

No comments: