Sunday, May 2, 2010

Khasaarihii ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Masaajid ku yaalla Muqdisho oo kordhay iyo dhinacyada siyaasadda oo ka hadlay (DAAWO SAWIRRO)







Axad, May 02, 2010 - Waxaa kordhay khasaarihii ka dhashay Qaraxyadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 01/05/2010 ka dhacay Masaajidka C/lla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, waxayna tirada dhimashadu ay gaartay 45-qof, kuwaasoo qaarkood dhaawacyo lagu qaaday.
Sidoo kale dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadan oo ahaa kuwo isxigay kana dhacay gudaha Masjidka ayaa waxay kor u dhaafayaan 90-qof, iyadoo qaarkood ay gubteen sida ay sheegeen dhaqaatiirta Isbitaaladii la dhigay dhaawacyadaas.

"Xubno badan oo dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacay qaraxyada ka mid ah ayaa illaa xalay laga qaadayay gudaha iyo hareeraha Masaajidka C/lla Shideeye" sidaas waxaa u sheegay HN goobjooge ka badbaaday qaraxyadaas.

Dhaawacyada oo la kala dhigay Isbitaallada Madiina iyo Dayniile ayaa qaarkood la sheegay inay guban yihiin, halka kuwo kalena ay beeleen lixaadkooda, waxayna Qaraxyadan ahaayeen kuwo cusub oo aan horay uga dhicin Soomaaliya.

Kooxaha Siyaasadda dalka isku haya ayaa cambaareeyay qaraxyada iyadoo koox walba ay ku eedeysay mas'uuliyadda qaraxdan kooxda kale, waxaana sidoo kale ka hadlay qaraxyadan Odayaasha Dhaqanka iyo Culummada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay dhibaato kusoo korortay Soomaaliya.

Dowaldda Soomaaliya ayaa iska fogeysay inay lug ku leedahay Qaraxyadaas kaddib markii ay Xarrakada Mujaahidiin Al-shabaab ku eedeysay inay mas'uul ka yihiin Qaraxyada, iyadoo wasiirka wafaafinta Soomaaliya uu sheegay in iyagu aysan lug ku lahayn qaraxyadan, balse ay yihiin kuwo laga soo minguuriyay dalka Ciraaaq.

Mas'uuliyiinta Ahusunna iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa iyaguna ka hadlay qaraxyada iyadoo koox walba ay ku eedeysay kooxda kale inay gacan ka geysatay fulinta qaraxyadaas oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.

No comments: