Friday, May 7, 2010

Yaa ka masuul ah soomaalida tahriibka lagu xasuuqayo saxaraha iyo badaha kala duwan ee caalamka. warbixin ku saabsan !( Daawo Sawirada )









Waxaa xabsiyada wadanka liibiya buux dhaafiyay boqolaal soomaali ah oo si sharci daro ah ugu soo gudbay wadamada dariska la ah soomaaliya islamar ahaanta kasoo tilaabsado xuduuda wadanka sudan.

Safarkaas dheer kadib tahriibayaalka soomaaliyeed waxa ay soo gaaran magaala madaxda wadanka sudan iyaga oo indhahoodu taganyihiin kuwa dumarka ah iyaga oo aad u jir go’san iyaga oo xiran hilfo jeex jeexan halka inta soo hartayna watan dhar muuqaal xun waayo waxa ay soo lugeeyan waqtiyo badan iyaga oo aanan quudaneynin waqtiyada qaarkood marna ay quudanayeen hal waqti oo kaliya .

Intaa kadib waxa ay u tafa xeytan tahriibayaalkaasi in ay ka talabaan xuduuda u dhaxeyso wadanka sudan iyo wadanka liibiya “saxaraha ” halkaasina uga dhamaadan biyo la’aan, cunto la’aan, inta soo hartayna ay gudaha saxaraha isku adeegsadaan Toorey taasoo kalliftay is qab-qabsiga qabyaaladeed ee ka taagan gudaha wadanka soomaaliya .

Waxa ay gaaran wadanka liibiya iyaga oo indhahoodu taganyihiin waxa halkaasi kusoo dhaweeyo soomaalida ku sugan wadankaasi si loo quudiyo dadka u tabaaleysan gaajada iyo daawo la’aanta.

Nasiib darro soomaalida tahriibayaalka ah uma dhega nuglo xasiloonida waxad arkeysa hooyo tahriibeyso wadato cunug 5shan bil jiri ah ,waxad arkeysa wiil 15sano jir ah oo tahriib , waxad arkeysa nin weyn oo 40 ilaa 50sano jir ah oo tahriib ah intaba waxaa lagu xasuuqaya bada weyn ee isku xirta wadanka liibiya iyo talyaniga . hadaba yaa k amasuul ah xasuuqaasi? .

Si waliba ha ahaate dadkasi waxa ay isugu jiraan Dumar caruur wata , Odayaal, dhalinyaro intaba kasoo bara kacay jahawareerka ka taagan wadanka soomaaliya gaar ahaan Isfahan la’aanta u dhaxeyso dowladda soomaaliya iyo waliba ururo diimeedka ee hubka darandooriga u dhaca u adeegsanaayo bulshada rayidka iyaga oo maamul waliba kashanaayo aragtidiisa islamar ahaantana bartilmaameed ka dhigto goobaha ay bulshada rayidka ku dhaqanyihiin .

Dhanka xiga xasuuqa tahriibayaalka waxaa ka qeyb qaato Muqalasiinta ka shaqeeyo Bada Boosaaso , Booliska xeebta ilaaliya ee wadanka Yaman, Ciidanka bada liibiya ilaaliyo , Booliska xeebta talyaaniga ilaaliyo intaba waxa ay si fool xumo badan ugu tumanaayan xuquuqda aadanaha isla markaasna aan ka xishooneynin in uu si toos ah iyo si dadban u laayo kuwa aan la fikirka ahayn waxa ayna isku dayeen in ay indha sarcaadiyaan ra’yulcaamka dunida…. “warbaahinta ”

No comments: