Friday, May 7, 2010

Yaa ka masuul ah soomaalida tahriibka lagu xasuuqayo saxaraha iyo badaha kala duwan ee caalamka. warbixin ku saabsan !( Daawo Sawirada )









Waxaa xabsiyada wadanka liibiya buux dhaafiyay boqolaal soomaali ah oo si sharci daro ah ugu soo gudbay wadamada dariska la ah soomaaliya islamar ahaanta kasoo tilaabsado xuduuda wadanka sudan.

Safarkaas dheer kadib tahriibayaalka soomaaliyeed waxa ay soo gaaran magaala madaxda wadanka sudan iyaga oo indhahoodu taganyihiin kuwa dumarka ah iyaga oo aad u jir go’san iyaga oo xiran hilfo jeex jeexan halka inta soo hartayna watan dhar muuqaal xun waayo waxa ay soo lugeeyan waqtiyo badan iyaga oo aanan quudaneynin waqtiyada qaarkood marna ay quudanayeen hal waqti oo kaliya .

Intaa kadib waxa ay u tafa xeytan tahriibayaalkaasi in ay ka talabaan xuduuda u dhaxeyso wadanka sudan iyo wadanka liibiya “saxaraha ” halkaasina uga dhamaadan biyo la’aan, cunto la’aan, inta soo hartayna ay gudaha saxaraha isku adeegsadaan Toorey taasoo kalliftay is qab-qabsiga qabyaaladeed ee ka taagan gudaha wadanka soomaaliya .

Waxa ay gaaran wadanka liibiya iyaga oo indhahoodu taganyihiin waxa halkaasi kusoo dhaweeyo soomaalida ku sugan wadankaasi si loo quudiyo dadka u tabaaleysan gaajada iyo daawo la’aanta.

Nasiib darro soomaalida tahriibayaalka ah uma dhega nuglo xasiloonida waxad arkeysa hooyo tahriibeyso wadato cunug 5shan bil jiri ah ,waxad arkeysa wiil 15sano jir ah oo tahriib , waxad arkeysa nin weyn oo 40 ilaa 50sano jir ah oo tahriib ah intaba waxaa lagu xasuuqaya bada weyn ee isku xirta wadanka liibiya iyo talyaniga . hadaba yaa k amasuul ah xasuuqaasi? .

Si waliba ha ahaate dadkasi waxa ay isugu jiraan Dumar caruur wata , Odayaal, dhalinyaro intaba kasoo bara kacay jahawareerka ka taagan wadanka soomaaliya gaar ahaan Isfahan la’aanta u dhaxeyso dowladda soomaaliya iyo waliba ururo diimeedka ee hubka darandooriga u dhaca u adeegsanaayo bulshada rayidka iyaga oo maamul waliba kashanaayo aragtidiisa islamar ahaantana bartilmaameed ka dhigto goobaha ay bulshada rayidka ku dhaqanyihiin .

Dhanka xiga xasuuqa tahriibayaalka waxaa ka qeyb qaato Muqalasiinta ka shaqeeyo Bada Boosaaso , Booliska xeebta ilaaliya ee wadanka Yaman, Ciidanka bada liibiya ilaaliyo , Booliska xeebta talyaaniga ilaaliyo intaba waxa ay si fool xumo badan ugu tumanaayan xuquuqda aadanaha isla markaasna aan ka xishooneynin in uu si toos ah iyo si dadban u laayo kuwa aan la fikirka ahayn waxa ayna isku dayeen in ay indha sarcaadiyaan ra’yulcaamka dunida…. “warbaahinta ”





Sawirrada Culuma'udiinka Ahlusunna Wal-jama'a iyo

Monday, May 3, 2010

Blast at mosque kills two in Somalia

A hand grenade explosion at a mosque in Somalia's southern city of Kismayo has killed at least two and injured more than 11 others, eyewitnesses and officials said.

The explosion took place in the al-Shabab controlled port city on Sunday night when worshippers were praying.

Eyewitnesses said that the explosion was caused by a hand grenade hurled at the mosque, a Press TV correspondent reported.

Al-Shabab officials said no one from their group has been injured in the attack.

Twin blasts in a mosque in the Somali capital on Saturday killed at least 50 people and injured over 120 others.

Somalia has been without an effective central government since 1991 and almost half of its population (3.8 million people) is in dire need of humanitarian food aid.

War-torn Mogadishu has been the scene of deadly civil strife since the collapse of the country's central government.

Sunday, May 2, 2010











Summery of yesterday Explosions




Death: >45
Injuries: > 90
Place: Abdalla Shideye Mosque, Bakara market
Date: 01/05/2010
Time: 01 before noon prayer
Type: 2 mind explosions
Responsibility: None claimed, all denounced (ASWJ, TFG, 2 Insurgents)
Summery of yesterday Explosions




Death: >45
Injuries: > 90
Place: Abdalla Shideye Mosque, Bakara market
Date: 01/05/2010
Time: 01 before noon prayer
Type: 2 mind explosions
Responsibility: None claimed, all denounced (ASWJ, TFG, 2 Insurgents)

Khasaarihii ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Masaajid ku yaalla Muqdisho oo kordhay iyo dhinacyada siyaasadda oo ka hadlay (DAAWO SAWIRRO)







Axad, May 02, 2010 - Waxaa kordhay khasaarihii ka dhashay Qaraxyadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 01/05/2010 ka dhacay Masaajidka C/lla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, waxayna tirada dhimashadu ay gaartay 45-qof, kuwaasoo qaarkood dhaawacyo lagu qaaday.
Sidoo kale dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadan oo ahaa kuwo isxigay kana dhacay gudaha Masjidka ayaa waxay kor u dhaafayaan 90-qof, iyadoo qaarkood ay gubteen sida ay sheegeen dhaqaatiirta Isbitaaladii la dhigay dhaawacyadaas.

"Xubno badan oo dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacay qaraxyada ka mid ah ayaa illaa xalay laga qaadayay gudaha iyo hareeraha Masaajidka C/lla Shideeye" sidaas waxaa u sheegay HN goobjooge ka badbaaday qaraxyadaas.

Dhaawacyada oo la kala dhigay Isbitaallada Madiina iyo Dayniile ayaa qaarkood la sheegay inay guban yihiin, halka kuwo kalena ay beeleen lixaadkooda, waxayna Qaraxyadan ahaayeen kuwo cusub oo aan horay uga dhicin Soomaaliya.

Kooxaha Siyaasadda dalka isku haya ayaa cambaareeyay qaraxyada iyadoo koox walba ay ku eedeysay mas'uuliyadda qaraxdan kooxda kale, waxaana sidoo kale ka hadlay qaraxyadan Odayaasha Dhaqanka iyo Culummada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay dhibaato kusoo korortay Soomaaliya.

Dowaldda Soomaaliya ayaa iska fogeysay inay lug ku leedahay Qaraxyadaas kaddib markii ay Xarrakada Mujaahidiin Al-shabaab ku eedeysay inay mas'uul ka yihiin Qaraxyada, iyadoo wasiirka wafaafinta Soomaaliya uu sheegay in iyagu aysan lug ku lahayn qaraxyadan, balse ay yihiin kuwo laga soo minguuriyay dalka Ciraaaq.

Mas'uuliyiinta Ahusunna iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa iyaguna ka hadlay qaraxyada iyadoo koox walba ay ku eedeysay kooxda kale inay gacan ka geysatay fulinta qaraxyadaas oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.