Friday, April 30, 2010

Thursday, April 29, 2010

Tuesday, April 27, 2010

Ganacasade Marxuum Maxamed Cabdullahi Muuse Tareey (Maxamed Diyaar) Oo Koox Dabley Ah Ay Ku Dileen Degmada Doolow

Waxaa shalay maqribki oo ay taariikhdu ahayd 25/04/2010 si bareer ah loogu dilay magaalada Doolow ganacsade marxuum Maxamed Cabdullaahi Muuse Tarey (Maxamed-Diyaar) kadib markii gaari uu saarnaa ay kala dageen kooxo dableey ah oo ku sugnaa gudaha magaalada Doloow ee gobalka Gedo xilli marxuumku uu safar u ahaa magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariuistee Maxamed-Diyaar waxaa uu mar madax ka ahaa shirkada xawaalada Dahabshiil magaalada Baardheere, markuu ka tagay shirkadaasna waxaa uu noqday ganacsade ka shaqaysa badeecadaha kala duwan ee xamar laga keeno.

Lama garanayo ilaa iyo hadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka marxuumkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada gobalka Gedo, si weyn looga yaqaanay magaalada Baardheere. Waxaana dhamaan bahweynta Gedonet ay halkan tacsi tiiraanyo u dirayaan marxuumka aabahiis Cabdullahi Muuse Tareey, Dr.Cabdiwahab Cabdullahi Muuse Tareey iyo walaalahiis oo idil iyo dhamaan reer Tareey meel kasta oo ay joogaan iyo ehelada kale oo uu ka baxay marxuumka. Waxaana ilaahay ugu baryeynaa marxuumka inuu janadii ka waraabiyo.

Tacsi ku socota Qoyskii Walaalkeen Maxamed Diyaar Cabdullahi Muuse iyo Cambaarayn ka dhan Canaasiirtii Dishay By C/Kheyr Sh Soofe

Geeridu waa xaq waana waajibaad aan qofna wakhtigiisa laga weecin doonin, haddana marka war ku saabsan ku soo gaaro waxaad mooddaa inay kala weyntahay waxayna ku xiran tahay hadba dhankii ay kaa weerarto ama qofkii ay kaa wareento. Warkii ugu danbeeyey ee lagu soo sheegay Geerida Walaalkeen Maxamed Diyaar Cabdullaahi Muuse waa mid si gaar ah wahan iyo wareer iigu beeray.

Maxamed Diyaar waxaan bartay labo sano ka hor waxaana uu Jannadii Firdowsa Eebbe ha geeyee gacan, gargaar iyo garab badan iga siiyey Barnaamijkii Aasaaska Jaamacadda Gedo isagoo muddo labo bilood ah habeen iyo maalinba ila shaqaynayey oo iga saaciday abaabulkii, diyaarintii, qorshayntii, agaasinkii iyo hawl kasta oo mutaddawacnimo ahayd oo aan qabanaynay oo ku aaddanayn barnaamijkaas; waxaana uu kamid ah ardayda lagu bilaabay barnaamijyadii ugu horreeyey ee Jaamacadda Gedo.

Wuxuu ahaa deeqsi aan marna ka bakhaylin inuu wakhti geliyo hawshii sammafalka ahayd, wuxuu ahaa geesi si xor ah u dhiibta aragtidiisa ku aaddanayd qorshayntii hawlihii aan wadnay; wuxuuna ahaa nin muslin ah oo aan safka salaadda masaajidka laga waayin.

Weerarka wuxuushnimada ah ee kuwa wax-matarayaasha ah la beegsadeen Maxamed Diyaar waxaan ku cambaaraynaynaa erayada ugu culus ee ugu suurtagalsan ee loo adeegsan karo falkooda dugaagnimad ahi. Gacmo dhiig leh iyo godab ayey gala galbadeed godkii ay ku rideen, Alle ayaana kala gorgartami doona oo isagu waa caadile ka goosan doona.

Falka dhagar qabayaashu ku dileen Maxamed Diyaar waa mid arxan-darro ah oo aan laga filan karin qof bini aadam ah. Maxamed Diyaar kuma jirin kooxaha hubaysan ee dagaalama waxaana uu ku baxay gacan ka xaq darran. Alle S.W ha u naxariisto qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo ummaddii uu ka tagayna sammir iyo iimaan haka siiyo.

Cabdikhayr Soofe
Soofe@hotmail.com

BAYAAN KAYIMID REER TAREY KUNA WAJAHAN GUUD AHAAN BEESHA MAREEXAAN By: Abdiwahab Abadullahi Musse Tarey,Ph.D.

Apr 27, 2010

HORDHAC:

Wallaalayaal, aniga oo ku hadlaya magaca reer Tarey waxaan idiinka mahad celinayaa tacsidii aad inooga soo gudbiseen dilkii ula kaca ahaa ee loo gaystey walaalkeen maxmuum Maxamed Abdullahi Musse Tarey (Illahay Naxariistiisa haku kalmeeyo inagana samir ha naga siiyo) ee ka dhacay magaaalada Doolow.

Sida aad ka warqabtaan Maxamed waxa uu ku marayey Doolow safar uu ugu socday Muqadisho halkaa oo uu howlo shaqo iyo ganacsi uu ku lahaa. Waxa uu gobolka Gedo u yimid, mudo gaaban, xaalad caafimaad oo lasoo daristey hooyadii (Cadar Abdi Guhaad).

Sida ay marqaatiga ka yihiin dhamaan intii taqiinay marxuumka anaguna aanu u xog-ogaal u nahay, Maxamed waxaa uu ahaa shaqsi ka madax bannaan ururada iyo kooxaha qawlaysata ee Gedo iyo Somaaliya oo idil ka dhigay guri dhurwaa iyo carri nabad daro. Maxamed waxa uu ahaa shaqsi hamigiisu ku salaysnaa sidii uu nafsadiisa, ehelkiisa, iyo bulshadiisa waxii karaankiisa ah wax ugu qaban lahaa.

Waxaa ayaan darro ah in Maxamed isagoo musaafara’, aysanna jirin cid wax uu ka galabsaday ama uttuno ay ka dhaxayso, in si waxashnimo ah loogalo soo dago baabuurkii uu saarna, lagula kaco jirdil, lagu eedeeyo in uu yahay shabaab, dabadeedna harcad loogu dilo dhulkii reer tolkii.

Waxaa iyaduna ayaan daro ah in dadka falkaan ula kaca ah geystay oo aan marnaba u aabo yeelin Islaanimo, Soomalinimo, iyo Eheltinimo toona, ay yihiin dad u dhashay Mareexaan kuna qaraabanayo magac Mareexaan oo la huwiyey magac-uyaal diimeed (Ahlu Sunna Waljameeca). Waxaa iyaduna ihaano aan loo dulqaadan karin ah in ragii qowlasatada ahaa ee gaystay falkaan waxashnimo, qiranayo dilkii ula kaca ahaa ee walaalkeen, inay maanta dhul Mareexaan handadaad kula hortaagan yihiin eheladii marxuumka ee u timid Doolow duugta marxuumka iyo u kuur galka wixii dhacay.

War miyuu walaalkeen ahayn nin ka dhashay ehel ee aan ciid laga soo faagin? War miyeynan laheen xeer iyo dhaqan? War goormaynu banasanay in aynu dhiigeenu xalaalaysno?

Wallaalayaal, geeridu waa xaq. Cid caawa soo celinkarto wallaalkeena inaguma jirto. Balse waxaan marnaba suuroobeyn in aynu ka quusano sidii sharciga loo soo taagi lahaa ragii ka dambeeyey dilka ula kaca ah ee walaalkeen loo gaystay. Hadii ay ragan qawlaystada ah ee Doolow Xabashidu ku biisho ku haminayeen in aan loo raacandoonin dilkii walaalkeen, waxaan ku wacyi galinayaa in ay taasi dhici doonin wax kastaba and waqti kastaba ha inagu qaadatee.

Hadii waxuushtani ay is tuseen in handadaad iyo cago jugleen looga hari doono, taasina iyaduna ma aha wax suurto gal noqondoonto.

Wallaalayaal, Maxamed Abdullahi ma aha qofkii ugu horeeyey ee si ula kac ah loogu dilo dhul Mareexaan. Sidoo kale, nagamana dahsoona in murugada dilka wallaalkeen ay nala wadaagaan dad badan oo tolkeen ah oo sidaa iyo si la mida looga dilay dad wax ku ool ah. Reer Tarey ahaan, dilkani waa kii labaad oo aan ka murugoono.

Kal horo waa tii walaalkeen Farah Ali Gurxan sidaa iyo si la mid qowlaysato ugu dileen Gedo. Sidee bay qowmiyadu horumar ku gaari hadii aynu maalin walba isago tacsiyeeno dilka dadkii wax ku oolka ahaa ee dalkaan iyo dadkaan hormuud u noqon lahaa?

ARRAR IYO CODSI GUUD

Wallaalayaal, hadal iyo dhamaantii,

•Inaga oo ogsoon cawaaqib xumada ka imankarto dagaal toleed iyo fidnada uu horseedi karo
•Inaga oo aan marnaba uttuno khaas ah ugu hayn dilka walaalkeen qabiil ama reer gooni ah, u arragnana dilkiisa mid ula kac ah oo ay geysteen shaqsiyaad cayiman oo aan matalin qabiil ama reer khaas ah
•Inaga oo xaqdhowr wallaaltinimo, eheltinimo, iyo daris wanaag ee gayno
•Inaga oo garwaaqsan in dilka wallaalkeen uu yahay mid inaga oo dhan saamayn nagu leh, murugadiisuna inawada taabanayso
•Inaga oo aan daryeelayn aargaasasho, balse u taagan in sharciga la mariyo dambiilayaalkii ka dambeeyeey dilka wallaalkeen.

Waxaan si wallaaltinimo ku dheehan idinka codsanaynaa, hadaad tiihiin Mareexaan, in aad:
•Nagala dhiidhisaan dilka fooshaxun ee loo gaystay wallaalkiin Maxamed Cabdulllahi Musse Tarey
•Si loo badbaadiyo dhiig Mareexaaan oo mar kale dhexdeena ku daato, waxaan sidoo kale idinka codsanaynaa in aad nagala qayb qaadataan in qowlaysatada ku aaraan Doolow ee gaystay dilkaan ula kaca ah bannaanka loo soo saaro loona tiigsato sharciga ku waajibka ah

FARRIIN GAAR AH:

Waxaan sidoo kale farraynaa ragga Mareexaan ee ay horkacayaan Barre Adan Shire (Barre Hiiraale) iyo Maxamuud Sayid Aden hadii hami uga jiro in ay magac iyo mansab Mareexaan dhexdiis ku yeeshaan, in sida ugu dhaqsaha badan ay uga qayb qaataan sidii sharciga loo marin lahaa ragga qawlaysatada ah ee amarka ku bixiyey ama gacanta ku gaystay dilka walaalkiin Maxamed Cabdullahi Musse Tarey.

FEEJIGNAAN IYO TALLO KHAAS AH:

Waxaan dhamaan Reer Ugaas Sharmaarke, Bah Majeerteen (ama Reer Warfaa Sharmaarke), Reer Xaryan, iyo Reer Hallable ku boorinaynaa in Illaahay samir iyo immaan naga siiyo Wallaalkeen Maxamed Cabdullahi Musse Tarey. Anigoo ku hadlayo magaca guud ee Reer Ugaas Sharmaarke amma kan gaar ee Bah Majeerteen waxa ku boorinayaa dhalinyarada in aan lagu kucin wax fal aargoosasho ah oo ku aadan reer guud ama qoys khaas ah oo loo aanaynayo dilka wallaalkeen. Raga ka dambeeyey dilka marxuumku waa rag cayiman oo cid iyaga ka baxsan oo ay magac la wadaagaan aysan mas’ul ka ahayn. Magaca Ahlu Sunna Waljameeca ama Suufiyo ee ay ku qaraabtaana waa mid sidoo kale aysan mansab u lahayn. Maalin ay ahaatabo, ragaan qowlaysatada ah (ha ahaadeen kuwii dilka gacantooda ku fuliyey, kuwii amarka bixiyey, ama kuwii gaariga Maxamed kala soo dagaye) waa lala xisaabtami, xaqana waa la marsiin (Taasi waa wacad). Waxaa inaga tallo ah in aanan marnaba dhiig dad aynu wallaalo nahay oo aan waxbo galabsan aan si aargoosasho aan loo daadiin. Taasi waa xaqdaro mana aha mid ka turjumayso rabitaanka wallaalkiin iyo dhaqankeena wallaaltinimo.


Mahadsanidiin,

Wabillahi Towfiiq,

Abdiwahab Abdullahi Musse Tarey, PhD
mussea@gmail.com

Thursday, April 22, 2010

Israseyn dhex martey ciidamo ka wada tirsan dowlada oo ay ku geeriyooden qaarkood oo ka dhacdey degmda Wadajir maanta

Israsaseyn ay ku geeriyoodeen 2 ka mida ciidamada dowlada oo dagaal uu manta ku dhexmarey Degaanka Danwadagaha ee Degmada Wadajir kaas oo salka ku haya kala shaki wax lagu shegay.

Dagaalka dexmarey ciidamada dowlada manta ee ka dhacey xafada wadajir ee magalada Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen 2-da Askari iyo dhwaca kuwo kale oo ay ku jiraan dad rayida ayaa timid ka dib markii jigfgooye hor lah la soo dhigey halka lagu magacaabo Ceel qalow ayadoo ay horey mid kale u taaley isgoyska Denwadaha ee Degmada Wadajir ka dibna ay kala shakiyen sidaasna ay israsaaseyntu ku bilaabatey.

Israsaseynta ayaa la sheegey in ay hakad galisey isku socodkii gaadiidka iyo ganacsiga waxana la shegay in ay bilabatey Abarihii 11 barqanimo waxaan intaas ka dib soo dhexgaley maamulka Degmadaas oo xiisda qaboojiyey , waxan la shegay in markii danbe ay xaladu caadi ku soo labatey.

Israsaaseynta ciidamada dowlada aya ah mid joogto ka ah magalada muqdisho goobaha ay ka joogaan waxan ugu danbeyey mid ka dhacdey koontoroolka Ex kontorool Afgooye shaley iyo sidaan oo kale meelo kale mana jirto cid damanad qaada ama loo xira dhacdooyinkan soo laablabta ee dhinaca dowlada ciidmadeeda ka yimada.

Wednesday, April 21, 2010

Askari ka tirsan Xisbul Islam oo lagu soo qabtey asagoo qaad cunya oo manta lagu tacsiirey Muqdisho

Manta ayaa waxaa ka dhacey magalada Muqdisho xukun lagu ridey Askari ka tirsan Xisbul Islam oo lagu qabtey asagoo culnaya qaad ka dib la soo tagey Maxkamada ayaa ku ridey xukun garaya 15 karbaash oo lagula fuliyey meel fagare ah.

Askarigaan aya waxaa xukunka ku ridey madaxa Maxkamada Xisbul islam ee magalada Muqdisho Shiikh Guuleed ka dib markii lagu soo cadeyey sida maxkamada horteeda laga shegay uu jaad ku baraxdey deganka ceelasha biyaha goob fagare ah oo biibito ah marduuf qaad ah sasagoo ku labisan deriyskii ciidamada Xisbada ee ururka Xisbul islaam.

Gudoomiyaha Maxkamada ayaa halkaasi ka shegay in sharciga loo simanyahey isla markasna lagu fulinayo cid kasta danbigii ay gasho xitaa hadii ay madaxda sare ka mid yihiin sida uu hadalka u dhigey hada wixii ka danbeeyana sidaas lagu socon doono oo la oofin doono danbi kasta xadkiisa.

Somalia clashes kills 11, five headless bodies found

(Reuters) - The beheaded bodies of five builders have been found in Somalia's capital Mogadishu and at least 11 people were killed in fighting in the central region, residents and moderate militia fighters said on Wednesday.

Mogadishu residents said they suspected al Shabaab militants executed the builders for helping to construct Somalia's new parliament, an institution seen by the insurgents as home to stooges of the West.

No group has claimed responsibility for the killings.
"We have seen five beheaded men," one resident who gave his name only as Ali for fear of repercussions told Reuters. "Their bodies were covered with a little soil, except for their legs."

Al Shabaab, which controls vast tracts of southern and central Somalia, has previously executed Somalis its accuses of spying for the foreign-backed government as it fights to impose a harsh version of sharia law on the nation.

Fighting erupted in the central Somali towns of Gal'ad and Masagawa when al Shabaab rebels clashed with militiamen from the Ahlu Sunna Waljamaca, a moderate Sufi Muslim group which has signed a power-sharing pact with the government.

"We have seized the town of Gal'ad," said al Shabaab's spokesman, Sheikh Ali Mohamud Rage.

Ahlu Sunna confirmed the territorial loss and said it had killed 15 al Shabaab militants and lost two of their own. Rights group Elman put the death toll at 11, with 23 injured.

On Monday, a New York-based rights group accused the rebels of brutally repressing Somalis in the large swathes of south and central Somalia that they control.

Human Rights Watch said that while al Shabaab had brought a degree of stability to areas they controlled, they routinely killed civilians and meted out punishments including amputation.

Residents described a scene of carnage after the fighting. "The streets are horrific, bodies in the streets and others bodies in bush ... and trees," Muse Hoshow, a resident of Gal'ad told Reuters.

Western security agencies say Somalia's appeal as a safe haven for hardliners, including foreign jihadists using it to plot attacks in the region and beyond, is growing.

Somalia has lacked an effective central government since the ousting of a dictator 19 years ago, leaving the lawless nation awash in weapons and mired in violence.

The West's efforts to install a stable administration have been undermined most recently by the al Shabaab-led insurgency, which is considered al Qaeda's proxy in the region.

Dagaal culus oo deegaan ku dhaw degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud ku dhaxmaray Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Ah-shabaab..

Arbaco, 21, April, 2010. Sida ay cadeeyeen Saraakiil u kala hadashay Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxaa goor dhaw uun soo gaba gaboobay dagaal aad u culus oo labada dhinac ku dhaxmaray deegaannka lagu magacaabo Ceel-buculle oo ku dhaw degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud.

Sida uu sheegay Madaxa Warfaafinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi dagaallka ayaa waxaa soo qaaday Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo sida uu sheegay Shiikh C/llaahi doonayay in ay halkaa ka saaraan Ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo soo galay, waxaana uu intaa ku darray in ay jab u geysteen Ciidamadii ay halkaa kula dagaalleen islamarkaana ay ka furteen gaadiid dagaal waa sida uu hadalka u dhigaye .

Laakiin Af-hayeenka Xarrakada Al-shabaab Shiikh Cali Max'uud Raagge (Cali Dheere) ayaa sheegay in dhinacooda ay guulo ka gaareen dagaallka islamarkaana ay jabiyeen kooxihii sida uu yiri soo weeraray, waxaana uu intaa ku darray in ay haddana Ciidamadooda ku sii jeedaan dhinaca degmada Dhuusa-mareeb.

Laakiin warar madax banaan oo ay Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in goobihii lagu dagaallamay hadda ku sugan yihiin Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, ilaa haddana dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallka dhaxmaray labada dhinac.
Dadka sida weyn ugu dhuun daloola arrimaha Militariga ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen Xoogagga Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca yahay mid la doonayo in culuyska looga dul qaado taageerayaashood ku sugan degmada Galcad oo maalintii shalay ay qabsadeen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Waxaana wararku intaa ku darayaan haddii ay dhab noqonto in Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ku guuleysteen dagaallka maanta ka dhacay deegaannka Ceel-buculle taasi u sahli karto in ay ku dhawaadaan degmada Ceel-garas oo muhiim u ah Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Maydadka dad la gowracay oo maanta laga helay Muqdisho Magaalada

Arbaco, April 21, 2010 .Waxaa Magaalada Muqdisho laga helay maydadka 5-qof oo la gowracay, kuwaasoo la sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalihii dayactirka ku sameynayay Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Maydadkan shanta fuundi ayaa waxaa looga shakisan yahay inay gowraceen kooxaha Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda, waxaana maydadka laga helay goobaha ay kooxahan gacanta ku hayaan.

"Waxaa aragnay maydadka shan qof oo la gowracay, dhamaantood waxay ahaayeen rag" ayuu yiri ruux magaciisa kusoo koobay Cali oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters, wuxuu raaciyay: "Maydadka waxay ahaayeen kuwo lagu daday maryo yaryar, marka laga reebo lugahooda, waxaana ka muuqday silic".

Ehelada fuundiyadan oo diiday magacyadooda in saxaafaddu ay adeegsato ayaa sheegay in shanta qof ee la dilay ay ka mid ahayeen shaqaalihii dayactirka ku sameynayay xarunta baarlamaanka, lana waayay dhowr maalmood ka hor.

Ma jirto koox sheegatay inay mas'uul ka tahay gowraca loo geystay shantan, waxaana maydadka la helay ay qayb ka noqonayaa dhowr mayd oo todobaadkan oo keliya laga helay degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Khasaaraha ka dhashay dagaal shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Goballka Galgaduud oo sii kordhaya.

Arbaco, 21, April, 2010 (HOL) Waxaa wali laga dareemayaa deegaannada Masago-waay iyo Galcad oo ka wada tirsan Goballka Galgaduud isku hub uruursi iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Xoogagga ka kala tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo dagaall culus halkaa ku dhaxmaray maalintii shalay.

Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa shegaya in khasaaraha dagaallka labada dhinac uu sii kordhayo iyada oo gaaridu mareyso in ka badan 18 ruux halka 30 kala ay ku dhaawacmeen oo u badan dhinacyadii iska soo horjeeda.

Saraakiil sare oo u hadashay Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegay in gacan ku heynta deegaannada Masago-waay iyo Galcad ay la wareegeen, laakiin waxaa markiiba arrintaa beeniyay Mas'uulyiinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Shiikh Cumar Buraalle oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Kuwaad ee Gudiga fulinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannka Masago-waay oo dagaallka xoogiisu ka dhacay hadda gacanta ku hayaan Culimada Ahlu Sunna Waljameeca, laakiin waxaa uu qiray in degmada Galcad wali ku danbeyso gacanta Xoogagga Al-shabaab maadaama sida uu sheegay Ciidamada Ahlu Sunna ka qabqeen in dagaal ay kula galaan gudaha degmada wax yaallo ka soo gaarto dadka rayidka ah.

Marka laga soo tago sheegashada dhinacyada iska soo horjeeda ilaa hadda lama hayo warara madaxbanaan oo ka hadllay cida dhab ahaan gacan ku heysa goobahii ay shalay dagaalladdu ka dhaceen, waxaana xusid mudan in dadkii ku dhaqnaa deegaannka Masago-waay u carareen dhinaca dhulka Baadiyaha ah si ay uga nabad-galaan khasaare ka soo gaara hubka labada dhinac isku adeegsanayaan.

Friday, April 16, 2010




Al-shabaab oo Laqminayo Wiil Yare oo dhagtadhiiga u darayo!!!!!!!!!!!!!

Al-shabaab oo Nin ay Madaxa Ka Jareen Soo dhigay Suuqa Bakaaraha



Nin aan haybtiisa la aqoon, una muuqda nin dhalinyara ah oo ay da'diisu u dhaxayso 27-30 ayaa maalinimadii shalay maydkiisa la soo dhigay goob ka mid ah suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Ninkan oo la gawracay ayaa isaga iyo madaxiisi waxay kala yaaleen labo meelood, sida aad ka arki karto sawirkiisa kor ku dhagan.

The Manager.