Tuesday, April 27, 2010

BAYAAN KAYIMID REER TAREY KUNA WAJAHAN GUUD AHAAN BEESHA MAREEXAAN By: Abdiwahab Abadullahi Musse Tarey,Ph.D.

Apr 27, 2010

HORDHAC:

Wallaalayaal, aniga oo ku hadlaya magaca reer Tarey waxaan idiinka mahad celinayaa tacsidii aad inooga soo gudbiseen dilkii ula kaca ahaa ee loo gaystey walaalkeen maxmuum Maxamed Abdullahi Musse Tarey (Illahay Naxariistiisa haku kalmeeyo inagana samir ha naga siiyo) ee ka dhacay magaaalada Doolow.

Sida aad ka warqabtaan Maxamed waxa uu ku marayey Doolow safar uu ugu socday Muqadisho halkaa oo uu howlo shaqo iyo ganacsi uu ku lahaa. Waxa uu gobolka Gedo u yimid, mudo gaaban, xaalad caafimaad oo lasoo daristey hooyadii (Cadar Abdi Guhaad).

Sida ay marqaatiga ka yihiin dhamaan intii taqiinay marxuumka anaguna aanu u xog-ogaal u nahay, Maxamed waxaa uu ahaa shaqsi ka madax bannaan ururada iyo kooxaha qawlaysata ee Gedo iyo Somaaliya oo idil ka dhigay guri dhurwaa iyo carri nabad daro. Maxamed waxa uu ahaa shaqsi hamigiisu ku salaysnaa sidii uu nafsadiisa, ehelkiisa, iyo bulshadiisa waxii karaankiisa ah wax ugu qaban lahaa.

Waxaa ayaan darro ah in Maxamed isagoo musaafara’, aysanna jirin cid wax uu ka galabsaday ama uttuno ay ka dhaxayso, in si waxashnimo ah loogalo soo dago baabuurkii uu saarna, lagula kaco jirdil, lagu eedeeyo in uu yahay shabaab, dabadeedna harcad loogu dilo dhulkii reer tolkii.

Waxaa iyaduna ayaan daro ah in dadka falkaan ula kaca ah geystay oo aan marnaba u aabo yeelin Islaanimo, Soomalinimo, iyo Eheltinimo toona, ay yihiin dad u dhashay Mareexaan kuna qaraabanayo magac Mareexaan oo la huwiyey magac-uyaal diimeed (Ahlu Sunna Waljameeca). Waxaa iyaduna ihaano aan loo dulqaadan karin ah in ragii qowlasatada ahaa ee gaystay falkaan waxashnimo, qiranayo dilkii ula kaca ahaa ee walaalkeen, inay maanta dhul Mareexaan handadaad kula hortaagan yihiin eheladii marxuumka ee u timid Doolow duugta marxuumka iyo u kuur galka wixii dhacay.

War miyuu walaalkeen ahayn nin ka dhashay ehel ee aan ciid laga soo faagin? War miyeynan laheen xeer iyo dhaqan? War goormaynu banasanay in aynu dhiigeenu xalaalaysno?

Wallaalayaal, geeridu waa xaq. Cid caawa soo celinkarto wallaalkeena inaguma jirto. Balse waxaan marnaba suuroobeyn in aynu ka quusano sidii sharciga loo soo taagi lahaa ragii ka dambeeyey dilka ula kaca ah ee walaalkeen loo gaystay. Hadii ay ragan qawlaystada ah ee Doolow Xabashidu ku biisho ku haminayeen in aan loo raacandoonin dilkii walaalkeen, waxaan ku wacyi galinayaa in ay taasi dhici doonin wax kastaba and waqti kastaba ha inagu qaadatee.

Hadii waxuushtani ay is tuseen in handadaad iyo cago jugleen looga hari doono, taasina iyaduna ma aha wax suurto gal noqondoonto.

Wallaalayaal, Maxamed Abdullahi ma aha qofkii ugu horeeyey ee si ula kac ah loogu dilo dhul Mareexaan. Sidoo kale, nagamana dahsoona in murugada dilka wallaalkeen ay nala wadaagaan dad badan oo tolkeen ah oo sidaa iyo si la mida looga dilay dad wax ku ool ah. Reer Tarey ahaan, dilkani waa kii labaad oo aan ka murugoono.

Kal horo waa tii walaalkeen Farah Ali Gurxan sidaa iyo si la mid qowlaysato ugu dileen Gedo. Sidee bay qowmiyadu horumar ku gaari hadii aynu maalin walba isago tacsiyeeno dilka dadkii wax ku oolka ahaa ee dalkaan iyo dadkaan hormuud u noqon lahaa?

ARRAR IYO CODSI GUUD

Wallaalayaal, hadal iyo dhamaantii,

•Inaga oo ogsoon cawaaqib xumada ka imankarto dagaal toleed iyo fidnada uu horseedi karo
•Inaga oo aan marnaba uttuno khaas ah ugu hayn dilka walaalkeen qabiil ama reer gooni ah, u arragnana dilkiisa mid ula kac ah oo ay geysteen shaqsiyaad cayiman oo aan matalin qabiil ama reer khaas ah
•Inaga oo xaqdhowr wallaaltinimo, eheltinimo, iyo daris wanaag ee gayno
•Inaga oo garwaaqsan in dilka wallaalkeen uu yahay mid inaga oo dhan saamayn nagu leh, murugadiisuna inawada taabanayso
•Inaga oo aan daryeelayn aargaasasho, balse u taagan in sharciga la mariyo dambiilayaalkii ka dambeeyeey dilka wallaalkeen.

Waxaan si wallaaltinimo ku dheehan idinka codsanaynaa, hadaad tiihiin Mareexaan, in aad:
•Nagala dhiidhisaan dilka fooshaxun ee loo gaystay wallaalkiin Maxamed Cabdulllahi Musse Tarey
•Si loo badbaadiyo dhiig Mareexaaan oo mar kale dhexdeena ku daato, waxaan sidoo kale idinka codsanaynaa in aad nagala qayb qaadataan in qowlaysatada ku aaraan Doolow ee gaystay dilkaan ula kaca ah bannaanka loo soo saaro loona tiigsato sharciga ku waajibka ah

FARRIIN GAAR AH:

Waxaan sidoo kale farraynaa ragga Mareexaan ee ay horkacayaan Barre Adan Shire (Barre Hiiraale) iyo Maxamuud Sayid Aden hadii hami uga jiro in ay magac iyo mansab Mareexaan dhexdiis ku yeeshaan, in sida ugu dhaqsaha badan ay uga qayb qaataan sidii sharciga loo marin lahaa ragga qawlaysatada ah ee amarka ku bixiyey ama gacanta ku gaystay dilka walaalkiin Maxamed Cabdullahi Musse Tarey.

FEEJIGNAAN IYO TALLO KHAAS AH:

Waxaan dhamaan Reer Ugaas Sharmaarke, Bah Majeerteen (ama Reer Warfaa Sharmaarke), Reer Xaryan, iyo Reer Hallable ku boorinaynaa in Illaahay samir iyo immaan naga siiyo Wallaalkeen Maxamed Cabdullahi Musse Tarey. Anigoo ku hadlayo magaca guud ee Reer Ugaas Sharmaarke amma kan gaar ee Bah Majeerteen waxa ku boorinayaa dhalinyarada in aan lagu kucin wax fal aargoosasho ah oo ku aadan reer guud ama qoys khaas ah oo loo aanaynayo dilka wallaalkeen. Raga ka dambeeyey dilka marxuumku waa rag cayiman oo cid iyaga ka baxsan oo ay magac la wadaagaan aysan mas’ul ka ahayn. Magaca Ahlu Sunna Waljameeca ama Suufiyo ee ay ku qaraabtaana waa mid sidoo kale aysan mansab u lahayn. Maalin ay ahaatabo, ragaan qowlaysatada ah (ha ahaadeen kuwii dilka gacantooda ku fuliyey, kuwii amarka bixiyey, ama kuwii gaariga Maxamed kala soo dagaye) waa lala xisaabtami, xaqana waa la marsiin (Taasi waa wacad). Waxaa inaga tallo ah in aanan marnaba dhiig dad aynu wallaalo nahay oo aan waxbo galabsan aan si aargoosasho aan loo daadiin. Taasi waa xaqdaro mana aha mid ka turjumayso rabitaanka wallaalkiin iyo dhaqankeena wallaaltinimo.


Mahadsanidiin,

Wabillahi Towfiiq,

Abdiwahab Abdullahi Musse Tarey, PhD
mussea@gmail.com

No comments: