Tuesday, April 27, 2010

Ganacasade Marxuum Maxamed Cabdullahi Muuse Tareey (Maxamed Diyaar) Oo Koox Dabley Ah Ay Ku Dileen Degmada Doolow

Waxaa shalay maqribki oo ay taariikhdu ahayd 25/04/2010 si bareer ah loogu dilay magaalada Doolow ganacsade marxuum Maxamed Cabdullaahi Muuse Tarey (Maxamed-Diyaar) kadib markii gaari uu saarnaa ay kala dageen kooxo dableey ah oo ku sugnaa gudaha magaalada Doloow ee gobalka Gedo xilli marxuumku uu safar u ahaa magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariuistee Maxamed-Diyaar waxaa uu mar madax ka ahaa shirkada xawaalada Dahabshiil magaalada Baardheere, markuu ka tagay shirkadaasna waxaa uu noqday ganacsade ka shaqaysa badeecadaha kala duwan ee xamar laga keeno.

Lama garanayo ilaa iyo hadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka marxuumkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada gobalka Gedo, si weyn looga yaqaanay magaalada Baardheere. Waxaana dhamaan bahweynta Gedonet ay halkan tacsi tiiraanyo u dirayaan marxuumka aabahiis Cabdullahi Muuse Tareey, Dr.Cabdiwahab Cabdullahi Muuse Tareey iyo walaalahiis oo idil iyo dhamaan reer Tareey meel kasta oo ay joogaan iyo ehelada kale oo uu ka baxay marxuumka. Waxaana ilaahay ugu baryeynaa marxuumka inuu janadii ka waraabiyo.

No comments: