Wednesday, April 21, 2010

Khasaaraha ka dhashay dagaal shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Goballka Galgaduud oo sii kordhaya.

Arbaco, 21, April, 2010 (HOL) Waxaa wali laga dareemayaa deegaannada Masago-waay iyo Galcad oo ka wada tirsan Goballka Galgaduud isku hub uruursi iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Xoogagga ka kala tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo dagaall culus halkaa ku dhaxmaray maalintii shalay.

Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa shegaya in khasaaraha dagaallka labada dhinac uu sii kordhayo iyada oo gaaridu mareyso in ka badan 18 ruux halka 30 kala ay ku dhaawacmeen oo u badan dhinacyadii iska soo horjeeda.

Saraakiil sare oo u hadashay Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegay in gacan ku heynta deegaannada Masago-waay iyo Galcad ay la wareegeen, laakiin waxaa markiiba arrintaa beeniyay Mas'uulyiinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Shiikh Cumar Buraalle oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Kuwaad ee Gudiga fulinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannka Masago-waay oo dagaallka xoogiisu ka dhacay hadda gacanta ku hayaan Culimada Ahlu Sunna Waljameeca, laakiin waxaa uu qiray in degmada Galcad wali ku danbeyso gacanta Xoogagga Al-shabaab maadaama sida uu sheegay Ciidamada Ahlu Sunna ka qabqeen in dagaal ay kula galaan gudaha degmada wax yaallo ka soo gaarto dadka rayidka ah.

Marka laga soo tago sheegashada dhinacyada iska soo horjeeda ilaa hadda lama hayo warara madaxbanaan oo ka hadllay cida dhab ahaan gacan ku heysa goobahii ay shalay dagaalladdu ka dhaceen, waxaana xusid mudan in dadkii ku dhaqnaa deegaannka Masago-waay u carareen dhinaca dhulka Baadiyaha ah si ay uga nabad-galaan khasaare ka soo gaara hubka labada dhinac isku adeegsanayaan.

No comments: