Tuesday, April 27, 2010

Tacsi ku socota Qoyskii Walaalkeen Maxamed Diyaar Cabdullahi Muuse iyo Cambaarayn ka dhan Canaasiirtii Dishay By C/Kheyr Sh Soofe

Geeridu waa xaq waana waajibaad aan qofna wakhtigiisa laga weecin doonin, haddana marka war ku saabsan ku soo gaaro waxaad mooddaa inay kala weyntahay waxayna ku xiran tahay hadba dhankii ay kaa weerarto ama qofkii ay kaa wareento. Warkii ugu danbeeyey ee lagu soo sheegay Geerida Walaalkeen Maxamed Diyaar Cabdullaahi Muuse waa mid si gaar ah wahan iyo wareer iigu beeray.

Maxamed Diyaar waxaan bartay labo sano ka hor waxaana uu Jannadii Firdowsa Eebbe ha geeyee gacan, gargaar iyo garab badan iga siiyey Barnaamijkii Aasaaska Jaamacadda Gedo isagoo muddo labo bilood ah habeen iyo maalinba ila shaqaynayey oo iga saaciday abaabulkii, diyaarintii, qorshayntii, agaasinkii iyo hawl kasta oo mutaddawacnimo ahayd oo aan qabanaynay oo ku aaddanayn barnaamijkaas; waxaana uu kamid ah ardayda lagu bilaabay barnaamijyadii ugu horreeyey ee Jaamacadda Gedo.

Wuxuu ahaa deeqsi aan marna ka bakhaylin inuu wakhti geliyo hawshii sammafalka ahayd, wuxuu ahaa geesi si xor ah u dhiibta aragtidiisa ku aaddanayd qorshayntii hawlihii aan wadnay; wuxuuna ahaa nin muslin ah oo aan safka salaadda masaajidka laga waayin.

Weerarka wuxuushnimada ah ee kuwa wax-matarayaasha ah la beegsadeen Maxamed Diyaar waxaan ku cambaaraynaynaa erayada ugu culus ee ugu suurtagalsan ee loo adeegsan karo falkooda dugaagnimad ahi. Gacmo dhiig leh iyo godab ayey gala galbadeed godkii ay ku rideen, Alle ayaana kala gorgartami doona oo isagu waa caadile ka goosan doona.

Falka dhagar qabayaashu ku dileen Maxamed Diyaar waa mid arxan-darro ah oo aan laga filan karin qof bini aadam ah. Maxamed Diyaar kuma jirin kooxaha hubaysan ee dagaalama waxaana uu ku baxay gacan ka xaq darran. Alle S.W ha u naxariisto qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo ummaddii uu ka tagayna sammir iyo iimaan haka siiyo.

Cabdikhayr Soofe
Soofe@hotmail.com

No comments: