Wednesday, April 21, 2010

Dagaal culus oo deegaan ku dhaw degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud ku dhaxmaray Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Ah-shabaab..

Arbaco, 21, April, 2010. Sida ay cadeeyeen Saraakiil u kala hadashay Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxaa goor dhaw uun soo gaba gaboobay dagaal aad u culus oo labada dhinac ku dhaxmaray deegaannka lagu magacaabo Ceel-buculle oo ku dhaw degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud.

Sida uu sheegay Madaxa Warfaafinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi dagaallka ayaa waxaa soo qaaday Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo sida uu sheegay Shiikh C/llaahi doonayay in ay halkaa ka saaraan Ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo soo galay, waxaana uu intaa ku darray in ay jab u geysteen Ciidamadii ay halkaa kula dagaalleen islamarkaana ay ka furteen gaadiid dagaal waa sida uu hadalka u dhigaye .

Laakiin Af-hayeenka Xarrakada Al-shabaab Shiikh Cali Max'uud Raagge (Cali Dheere) ayaa sheegay in dhinacooda ay guulo ka gaareen dagaallka islamarkaana ay jabiyeen kooxihii sida uu yiri soo weeraray, waxaana uu intaa ku darray in ay haddana Ciidamadooda ku sii jeedaan dhinaca degmada Dhuusa-mareeb.

Laakiin warar madax banaan oo ay Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in goobihii lagu dagaallamay hadda ku sugan yihiin Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, ilaa haddana dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallka dhaxmaray labada dhinac.
Dadka sida weyn ugu dhuun daloola arrimaha Militariga ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen Xoogagga Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca yahay mid la doonayo in culuyska looga dul qaado taageerayaashood ku sugan degmada Galcad oo maalintii shalay ay qabsadeen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Waxaana wararku intaa ku darayaan haddii ay dhab noqonto in Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ku guuleysteen dagaallka maanta ka dhacay deegaannka Ceel-buculle taasi u sahli karto in ay ku dhawaadaan degmada Ceel-garas oo muhiim u ah Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

No comments: